xadis (2) arbaciin
Tiirarka Islaamka Waxaa laga weriyey sidoo kale Cumar (Allah haka raalli noqdee), in uu yiri: ‘‘Maalin maalmaha ka mid ah annaga oo Nebiga (scw) la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u tima madow oo aanay ka muuqan astaan safar nin yaqaanna nagu jirin, ilaa uu Nebiga ag-fariistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyin kiisnaa kor saaray bowdada Nebiga (scw) markaasuu ku yiri: Muxammadow ii sheeg lslaamka. Markaasuu Rasuulkii Alla (scw) yiri: lslaamku waa inaad qirto inaan ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Allah yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajidid Baydka Allah haddii aad awooddid. Markaasuu yiri: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yiri: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yiri: Iimaanku waa inaad rumeysid Alla iyo malaa’ik tiisa, Kutub tiisa, Rusushiisa, maalinta qiyaamaha iyo Qaddarka Alla shar iyo kheyrba. Wuxuu yiri: Run baad sheegtay. Wuxuu yiri: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yiri: Ixsaanku waa inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu yiri: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxu u yiri Nebiga (scw): Kaagama war rooni. Wuxuu yiri: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayid keeda iyo in dadka kabaha la’ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ku tartamaan sara-dhis. Markaasuu iska tegey. Markii Nibigii Cabbaar aamusnaa ayuu yiri: Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey? Markaasaan iri; Allah iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu yiri Nebiga (scw): Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna.” [Muslim]. Sharaxa: Xadiiska Labaad Xadiiskani wuxuu koobay saldhigyadii Diinta Islaamka oo ah tiirarka Islaamka, tiirarka Imaanka iyo daacadnimada. Marka irridda laga gelayaa Diinta Islaamka waa inaad qirto ikhtiyaarkaada, in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, in Nebi Muxammed Rasuulkii Alle yahay. Tiirka labaad ee Diintu waa salaadda, qofkii ka tagaana waa qof Alla ku kufriyey. Tiirka Saad waa in la bixiyo sakada, qofka leh xoolo ay ka waajibtay. Tiirka Afaraad waa in la soomo bisha Ramadaan oo laga reebtoomo cuntada, cabidda iyo galmada u dhexeysa ragga iyo haweenka, laga billaabo waaberiga ilaa qorraxdu ka dhacdo. Tiirka Shanaad waa inaad u Xajidid Beydka Alle ee Makka ku yaalla, waxaana laga rabaa tiirkan qofk a awoodda u leh. Marka tiir kasta oo ka mid ah Shantaa, wuxuu ku fadhiyaa saldhig weyn oo leh xididdo furuuc badan, haddaad si faahfaahsan u rabtid, waxaad ka heli kartaa kutubaha fiqiga. Tiirarku iimaanku iyagu waa lix (6) oo kala ah: Inaad rumeyso si dhab ah u ictiqaadiso jiritaanka iyo midnimada Allah’ Inaad rumeyso jiritaanka malaa’ikta oo ah khalqi Ilaahay k a uumay nuur oo innaga duwan, Inaad rumeyso in llaahay kutub hanuun iyo iftiin gudcurka nolosha looga baxo ah soo deiiyay ee uu u dambeeyey laguna khatimay kitaabka Qur ‘aan k a, I naad rumeysid in Ilaahay rusul soo diray, ee uu u dambeeyey laguna khatimay nebigeennii suubbanaa Muxammad (scw). Inaad rumeysid maalinta xisaabta, oo ah inay jirto, maalin la xisaabi doono dadka waxay faleen, dhimashada kaddib la soo saari doono lagana abaal marin doono waxay geysteen samaan iyo xumaan. Inaad rumeysid dhacdooyinka ka dhacaaya dunida inay yihiin wax llaahay qaddaray shar iyo kheyrba. Tiirarka iimaanku waa camal qalbiga ku xiran qofka iyo Ilaahay un baa og inuu run sheegay iyo in kale, mana laha furuuc badan oo muuqaneysa sida tiirarka lslaamka. Arrinta 3aad ee saldhigga islaamka waa ixsaanka, waxaan dhihi karnaa waa dhuuxa islaamka. Haddii aanu geed dhuux laheynna isma taagi karo marka ixsaanka waxaa loola jeedaa in ay qofka dhab ka tahay rumeynta Diinta Islaamka waa in uu si daacad iyo hagar la’aan ah ugu camal falo sharciga Isfaamka. Waa inuu Alla u caabbudo sidii asagoo hortaagan, maxaa yeelay, haddii aanu qofku arkeyn llaahay asagaa arkaaya. Markii saldhigyadii Islaamku dhammaadeen ayuu warsaday Jibriil Nebigii {scw) waqtiga qiyaamuhu kacaayo. wuxuu ugu iawaabay: kaagama war rooni. Sababtoo ah waa arrimaha cilmigooda llaahay la keli noqday oo aanu u sheegin khalqigiisa, halkaa waxaan ka ogaaneynaa dadka isku shuqliya inay wax ka sheegaan cilmi-qeybka, sida kuwa dhaha dunidu waxay jireysaa 7.000 oo sano ama 4.000 iyo shey iwm., iney sheeko baraley tahay. Wuxuu warsaday haddana Jibriil astaamaha lagu ogaado in Qiyaamuhu dhow yahay. Wuxuu sheegay Nebigu (scw) in astaamaha ay ka mid yihiin: In addoontu sayidkeeda dhasho, waxay ku fasireen culamadu inay badan doonaan carruurta waalidkood ku caasi noqonaaya oon u aabbo yeeleyn xurmada, sharafta iyo xannaanada waalidku ka mudan yahay carruurtooda, ilaa ay ka gaaraan heer ay ula dhaqmaan hooyadooda sidii addoon ay leeyihiin ama qof ciidan ah oo u shaqeeya. Waxaa ka mid ah calaamadaha saacadda in dadka reer baadiyaha ah ee cayrta ah ay qabsan doonaan magaalooyinka kuna tartami doonaan saraha dhaadheer isuguna faani doonaan . FAA’IIDADA XADIISKA Waxaa lagu koobay xadiiskan saldhigyadii Diinta lslaamka. Waxaa lagu sheegay in waqtiga Qiyaamuhu kici doono Alla oo keliya og yahay haddii cid too sheegi lahaa waxaa loo sheegi lahaa Malaku-Jibriil iyo Nebi Muxammad (scw). Qofka Muslimka ah waxaa ku habboon inuu ku dadaalo nadaafadda dharkiisa iyo heybaddiisa sida Jibriil u soo labbistay oo kale.