
JACFAR BIN ABII DHAALIB “AMIIRKII MUHAAJIRIINTII U QAXDAY XABASHA” Su'aalahan ka
jawaab inta aadan akhrin casharkan....
Reer Banii Cabdi Manaaf waxaa ka mid ahaa
shan nin oo si aad ah ugu ekaa muuqaalka Rasuulka (scw), waxayna shantaas nin ee
sida aadka ah ugu ekaa Rasuulka (scw) kala ahaayeen:- Abuu Sufyaan Bin
Al-Xaarith Bin Cabdil-Mudhalib oo ay Nebiga (scw) ilmo adeero ahaayeen. Qutham
Bin Cabbaas oo isna ay Nebiga (scw) ay ilmo adeero ahaayeen, Assaa’ib Bin Cubeyd
Bin Cabd Yaziid oo ahaa Imaamu Shaafici awoowgiis Xasan Bin Cali oo ay dhashay
gabadhii Rasuulka (scw) ee Faadumo Iyo ugu danbeyntii saxaabiga aan sheekadiisa
qaadanayno ee Jacfar Bin Abii Dhaalib oo ay walaalo ahaayeen Cali Bin Abii
Dhaalib. Rasuulka (scw) iyo Cabbaas oo kala qaatay.. Ma ahayn ekaanshahaasi
keliya mid muuqaal ah, hase ahaatee wuxuu Jacfar Allaha ka raalli noqdee uu
sidoo kale ku sifaysnaa akhlaaqdii wanaagsanayd ee uu lahaa Rasuulka (scw). Abuu
Dhaalib oo ahaa Jacfar aabihiis inkastoo maqaam iyo sharaf weyn ka joogay
Qureysh, haddana wuxuu ahaa xaal-mastuur oo aan lahayn hanti badan iyo iyadoo ay
u dheerayd isagoo lahaa caruur badan. Abuu Dhaalib, waxay xaalad adag la soo
gudboonaatay sannadkii abaarta darnayd ay ku dhufatay guud ahaan degmooyinkii ay
degganaayeen qabaa’ilka qureysh. Reer Banii Haashim waxaa maalintaas ugu dhaqnaa
oo xoogaa fiican hanti haystay Muxammad Bin Cabdillaahi (Rasuulka (scw) oo aan
xilligaas la soo saarin) iyo sidoo kale adeerkiis Cabbaas Bin Cabdul-Mudhalib.
Rasuulka (scw) wuxuu Cabbaas ku yiri hadalladan "adeer, walaalkaa Abaa Dhaalib
waa caruur badan yahay, dadkiina waxaa isugu darsamay waxaad aragtid oo abaar
daran ah iyo xanuunka gaajada, ee ina-kaxeey oo aynu aadno Abuu Dhaalib si aynu
uga qaadno qaar ka mid ah caruurtiisa, annigu waxaan qaadanayaa mid ka mid ah
wiil ka mid wiilashiisa, adiguna waxaad qaadanaysaa wiil kale sidaas ayaan uga
kaafinaynaa." Cabbaas wuxuu ku yiri Rasuulka (scw) "kheyr iyo samafal ayaad iigu
yeertay", kadibna waxay labadoodii aadeen Abaa Dhaalib, waxayna ku yiraahdeen
"waxaan doonaynaa inaan xoogaa kaa khafiifino culeyska kaaga yimid caruurtaada
si aan kaaga qaadno dhibataada abaarta ee dadkoo dhan saamaysay". Abuu Dhaalib
wuxuu ku yiri "haddaad ii dhaaftaan Caqiil, sameeya wixii kale ee aad rabtaan",
dabadeedna Rasuulka (scw) wuxuu qaatay Cali, Cabbaas-na wuxuu qaatay Jacfar.
Cali iyo Jacfar waxay maalintaas wixii ka danbeeyay ku kala wareegeen guryaha
Muxammad Bin Cabdillaahi (oo aan weli waxyiga ku soo degin) iyo Cabbaas Bin
Cabdul-Mudhalib. Cali Bin Abii Dhaalib wuxuu ku soo barbaaray gurigaas jeer
Rasuulka (scw) lagu soo saaro diintii hanuunka iyo xaqa wadatay. Nasiib wanaag
wuxuu Cali Bin Abii Dhaalib lambarka koowaad ka galay dhalintii ugu horeysay ee
gasha diinta islaamka. Jacfar oo isku-filnaaday Dhinaca kale, Jacfar isna wuxuu
iskala noolaa adeerkiis Cabbaas. Markuu xoogaa weynaaday wuu soo islaamay,
isagoo ka guuray gurigii Cabbaas kadib markuu isku filnaaday. Abuubakar ayaa soo
islaamiyay Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo xaaskiisii qiimaha badnayd ee Asmaa Bintu
Cumeys inay soo islaamaan waxaa sababteeda lahaa Abuubakar Assiddiiq Allaha ka
raalli noqdee, waxayna ku beegnayd kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii
Arqam Bin Arqam ee uu dadka diinta ku bari jiray. Wiilkii reer haashimiga ahaa
ee dhalinyarada ahaa waa Jacfare iyo gabadhii iyadana dhalinyarada ahayd ee
Asmaa Bintu Cumeys waxaa islaamiddooda awgeed kala soo gudboonaatay cidhiidhi
iyo dhibaato weyn oo kaga yimid gaalladii Qureysh taasoo ay la wadaageen
muslimiintii kale ee horey u soo islaamay. Jacfar iyo Asmaa dhibaatooyinkaas
dusha ayay u dhigteen oo way u sabreen una dulqaateen. Maxaa yeelay, waxay si
dhab ah u yaqiinsanaayeen in waddada Jannada loo maro lagu goglay laguna
hareereeyay waxyaabaha ay nafta dhibsato. Qoyskii Jacfar iyo Geeska Afrika Sidaa
darteed, Jacfar Bin Abii Dhaalib wuxuu Rasuulka (scw) ka fasax qaatay isaga iyo
xaaskiisa iyo qaar ka mid ah asxaabta inay u qaxaan dhulka Xabasha oo maanta loo
yaqaano Geeska Afrika. Rasuulka (scw) wuxuu asxaabta u fasaxay hijradaas isagoo
ka murugaysan. Waxaa culeys weyn ku ahayd oo dhibaysay in asxaabtaas qiimaha
badan ee mu’miniinta ah lagu qasbo inay diintooda darteed loogu qaxiyo dhul aad
u fog, iyagoo aanan gelin wax denbi ah, keliya waxa loogu dhibaateenayo ay tahay
inay yiraahdeen "Allaah ayaa Rabbigeena ah". Ma aynan haysan muslimiinta
maalintaas awood ay isaga caabbiyaan hagardaamada iyo dhibaatooyinka kaga
imaanayay gaalladii qureysh. Caddaaladdii Najaashi ayay ku nimcaysteen
Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana
muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin
Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Xabasha ama Geeska Afrika, waxay durbadiiba
magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa
laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii
muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo
markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan
cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato
ah. Hase ahaatee, gaalladii qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah
muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii
Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen
magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi
lahaayeen. Ummu Salama ha nooga sheekayso.. Ummu Salama Allaha ka raalli noqdee
oo markaas la socotay muhaajiriintii muslimiinta ayaan sheekadaan inteeda badan
ku soo qaadanaynaa waxyaabihii ay la kulmeen muhaajiriintii Xabasha u hijrooday,
iyadoo ka sheekeenaysana waxay tiri "markaan nimid dhulka Xabasha waxaan la
kulannay dad lala jaaro kuwii ugu kheyrka badnaa, diinteennii ayay nagu nabad
geliyeen, iyadoo wax dhibaato ah aanan la kulmin ayaan Rabbigeen si wacan u
caabudnay. Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii na loo soo dhoweeyay
waxay billaabeen inay nagu amar-taagleeyaan, waxay boqorkii Najaashiga u soo
direen labo nin oo xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo
Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan
oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow.
Waxay qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan
wadaaddada kaniisadda kahor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi". Kulankii
Najaashi ee Camar iyo saaxiibkiis Ummu Salama oo hadalkeedii sii wadata waxay
markale tiri "markii labadii nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen
wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood
haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka
Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo
diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen
midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan
waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax
ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u
yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.". Wadaaddadii way oggolaadeen
codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay". Ummu Salama ayaa markale tiri,
waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u
yeero mid innaga naga mid ah oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay
Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay
haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "boqorow waxaa
boqortooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda
shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba
aqoonin, way ka baxeen diinteennii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga
waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin
aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta
ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga
badiya". Boqorkii wuxuu jaleecay wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u
riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee
iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad
uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi,
marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero
oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo, haddii labadaas nin waxay ka
sheegeen ay sax noqoto iyagaan gacanta u gelinayaa, hase ahaatee waxa laga
sheegayo waxaan ahayn hadday soo baxaan waan magangalinayaa oo waan wanaajin
doonaa inta ay ila joogaan". Markale Ummu Salama waxay tiri "intaa kadib wuxuu
boqorkii Najaashi naga codsaday inaan la kulanno. Kahor la kulanka boqorka ayaa
innaga dhexdeennii is aragnay, qaarkeen ayaa qaarka kale ku yiri "boqorka ayaa
su'aal idinka weydiin doona diinteena ee aynu si cad ugu sheegno diinta aan
rumeysanahay, waana inuu noo hadlaa Jacfar Bin Abii Dhaalib, yuusan hadlin qof
kale oo aan isaga ahayn". Ummu Salama oo sii wadata hadalka misna waxay tiri
"waxaan durbadiiba u dareernay boqorkii Najaashi, markaan soo gaarnay goobtii
kulanka waxaan aragnay boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka
fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah,
kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay
Ergadii qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica. Boqorkii
ayaa xaggeenii soo eegay, wuxuuna nagu yiri: waa maxay diinta aad nagu soo
kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar
ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?. Jacfar oo su'aashaas
ka jawaabaya ayaa yiri: boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi
jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo
qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena
awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa
jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa,
runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta
Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala
baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada
asnaamta. Wuxuu Rasuulkaas na faray run-sheega, gudashada amaanada, xiriirinta
qaraabada, deriska oo la wanaajiyo.., wuxuu naga reebay xumaha oo idil iyo
been-abuurashada, in la cuno hantida ay leeyihiin agoonta iyo gabdhaha dhowrsoon
oo lagu tuuro xumaan. Wuxuu kaloo na faray inaan Allah "sw" keliya aan caabudno
oo aanan u shariik-yeelin, inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno
bisha ramadaan. Waan rumeynay, oo waxaynu si dhab u qaadanay wixii uu xagga
Allaah kala yimid, xalaashii ayaynu xalaalsanay, oo wuxuu naga reebayna xaaraan
ayaan ka dhiganay, intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala
collaytamaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay
noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo
dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa
dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada
nalagu dhibaataynin. Aayadihii saameeyay boqorka Najaashi Ummu Salama Waxay tiri
"boqorkii Najaashi wuxuu jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku
yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah,
wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda
Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa
sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u
dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan
tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow-
baryadaada mid ku khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan
suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood. Waxay markale Ummu Salama tiri
"waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo
dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa
ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo
dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal
meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska
taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".
Hagardaamo kale ayaa lala damcay Ummu Salama waxay tiri, markii aan ka
dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar
Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u
sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo. Cabdullaahi Binu Abii
Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen
haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad,
wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu
yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii
Najaashi, wuxuuna ku yiri boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku
sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid
waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama,
markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan
horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo Nebi Ciise
(cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan
su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale
aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan
markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid
boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina
Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya
waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay
su’aashaan “waa maxay waxaasi??”. Jawaabtii Jacfar ee Nebi Ciise (cs) Jacfar oo
ka jawaab bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo
Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu gacanta
ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi
Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen wadaaddadii
kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka ka soo
yeeray boqorkoodii. Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu qanacsan sharaxaaddii
muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo
la nabadgeliyay, qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana
waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo
buur dahab ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna
wuxuu boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiikiis isagoo ku yiri “ ha
loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”. Ummu Salama waxay
tiri, Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay, hase
ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha. Toban sanno
ayay Xabasha joogeen Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo
afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase
ahaatee, sannadkii toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka
mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii
ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay duulimaadkii
Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay Khaybar. Soo dhoweyntii
Rasuulka (scw) ee Jacfar Suubbanaha Rasuulka (scw) si aan la tilmaami karin ayuu
ugu farxay imaanshaha Jacfar, intuu laabtiisii sharafta badnayd ku soo dumay
Jacfar ayaa wuxuu ku yiri “ma waxaynu ku faraxnaa furashada Khaybar mise
imaanshaha Jacfar??. Farxaddaasi uu Rasuulka (scw) ka muujiyay imaanshaha Jacfar
kama yareyn tan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan kuwii masaakiinta ahaa ay ugu
farxeen imaanshaha Jacfar iyo asxaabta kale. Maxaa yeelay, Jacfar wuxuu aad u
xiriirin jiray una dhaqaalayn jiray masaakiinta muslimiinta ee waxna aan haysan,
waxayna taageeradiisa masaakiinta ay keentay in loogu magac-daro “aabihii
masaakiinta”. Abuu Hureyra Allaha ka raalli noqdee oo arrinkan ka sheekeenaya
ayaa yiri “haddaynu ahayn jamaacada masaakiinta Jacfar wuxuu noo ahaa qofka
noogu roon dadka, gurigiisa ayuu intuu noo kaxeeyo ayuu na soo siin jiray waxa
yaala oo cunto ah..”. Jacfar oo hoggaaminaya dagaalkii Mu’ta Joogistii Jacfar ee
uu dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga billowgeedii
wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama ciidamada Ruum ee ku sugnaa
gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu
Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya
Jacfar Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir
noqonaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama
la dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”.
Labo ciidan aan isku aadin xagga tirada Muslimiintii markii ay gaareen Mu’ta oo
ah tuulo ku taalla Urdun ee Shaam ayaa muslimiintii waxay ogaadeen inay
ciidamada Roomaanka ay diyaarayeen ciidamo gaaraya 100 000 qof, boqolkaasoo kun
oo ay taageerayaan boqol kun kale oo isugu jira gaallada Carbeed ee ka tirsan
qabiilooyinka Lakhm, Judaam iyo Qud-h-aaca iyo kuwo kale oo badan, halka
ciidamada muslimiinta ay gaarayeen oo keliya 3000 ciidan. Saddex kun oo ciidan
ayaa wuxuu la dagaalamayaa labo boqol oo kun (200 000) oo ciidan, waa labo
ciidan oo aan isku aadin. Hase ahaatee, waxyar kadib waxaa billowday dagaalkii
ay dagaallamayeen ciidamada muslimiintii iyo kuwii kale ee gaallada ahaa.
Hoggaamiyihii ciidamada muslimiinta Zeyd Binu Xaaritha ayaa jiidda hore ee
dagaalka ku naf-waayay sidiina ayuu ku shahiiday, Allena uga baryaynaa inuu u
naxariisto. Dhinaca kale, waxaa durbadiiba hoggaankii si geesinimo ku jirta ula
wareegay saxaabiga aan ka sheekeenayno ee Jacfar Binu Abii Dhaalib isagoo ka soo
dagay faraskiisii. Si xammaasad weyn ku jirta ayuu dagaalkii u galay, waxa
keliya ee u muuqanayay waxay ahayd Jannada iyo bilicdeeda ballaaran, neecowdeeda
iyo biyaheeda macaan, xuurul-ciinteeda loo dhammeeyay quruxda, webiyadeeda kala
nooca ah intaasoo ay sii siyaadiso rajada weyn ee uu ku qabay raalla ahaanshaha
RABBI (sw) taasoo uusan wax kale ku doorsanaynin. Wuxuu tiriyay tix gabay ah oo
uu kaga hadlayay sida loo xanuujin doono ciidamada Roomaanka ee qarka u istaagan
in la ciribtiro. Jacfar oo dagaalka ku shahiiday Wacdarro weyn ayuu Jacfar
goobtii dagaalka ka muujiyay, isagoo sita seeftiisa wuxuu dhex jiiray ciidankii
roomaanka, isagoo kii ka soo hor-baxaba uu qoorta ugu dheereenayay seeftiisa
ayaa markii danbe waxaa laga dhaacaway oo laga gooyay gacantiisii midig,
calankii ayuu misna ku qaaday gacantiisii bidix, markale ayaa misna laga
dhaawacay oo ay go’day gacantii bidix kadibna laabtiisii ayuu damcay inuu
calanka ku qaado, hase ahaatee dhufashadii 3-aad oo darnayd ayaa jirkiisa laba
dhinac ka kala dhigtay. Intaa kadib waxaa calankii la wareegay geesigii 3-aad ee
Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa isna laga dilo oo uu ka shahiido. Dhammaantood
Allaha u naxariisto kana raalli noqdo, waxay dhinteen iyagoo u taagan difaacidda
diinta ALLAAH (sw). War degdeg ah oo Rasuulka (scw) soo gaaray Rasuulka (scw) oo
ku sugan magaallada Madiina ayaa waxaa gaaray khabar degdeg ah (waxyi ahaan)
kuna saabsan geeridii hoggaamiyaashiisii qiimaha badnaa, si daran oo xanuun
badan oo aan
0 Comments
Please comments noo reeb